Laba Kooxood Oo Waaweyn Oo Premier Legaue Oo Wadahadalo Kula Jira Goolhaye Gianluigi Donnarumma

Laba Kooxood Oo Waaweyn Oo Premier Legaue Oo Wadahadalo Kula Jira Goolhaye Gianluigi Donnarumma


Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jiraan Goolhayaha Kooxda Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma sida ay sheegayaan wararu.

Heshiiska Gianluigi Donnarumma ee Ac Milan ayaa dhici doona xagaaga dambe ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda waxana uu ka fiirsanayaa qorshihiisa.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in wakiilka Gianluigi Donnarumma ee Mino Raiola uu haatanba wadahadalo kula jiro kooxaha Man United iyo Chelsea si uu Goolhayuhu si xor ah ugu biiro.

Ac Milan ayaa la rumaysanyahay in ay dhawr jeer dalabyo cusub u bandhigtay Goolhaye Gianluigi Donnarumma laakiin xiddiga ayaa diiday qiimaha dalabyada ay kooxdu u soo bandhigtay.

Chelsea ayaa doonaysa in ay Goolhaye Gianluigi Donnarumma la tartansiiso Goolhaye Edouard Mendy kaas oo xagaagii ku soo biiray kooxda.

Dhanka kale Man United ayaa Gianluigi Donnarumma u doonaysa in uu noqdo badalka Goolhayayaasha David De Gea iyo Dean Henderson oo uu shaki ku jiro mustaqbalkooda.


Source: laacibfm.com

SHARE