Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Daafac Juventus Ka Reebay Champions League.

Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Daafac Juventus Ka Reebay Champions League.


Koxoda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Fc porto kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Chancel Mbemba.

Xiddiga 26 jirka ah ayuu heshiiskiisa Fc Porto dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa.

Kooxda Liverpool ayaa kooxda Fc Porto wax ka waydiisay helitaanka daafaca aadka loo qiimeeyo ee Chancel Mbemba sida uu sheegayo wargayska Tuttomercatoweb.

Wararka ayaa sheegaya in ay Porto xiddiga ku qiimayso lacag dhan 12 milyan oo euro iyada oo Reds waliba diyaar u tahay in ay bixiso lacagtaas.

Klopp ayaa xiddiga u doonaya marka loo eego in uu khibrad fiican u leeyahay champions league iyo waliba horyaalka premier League oo uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Newcastle United.

Mbemba ayaa ka mid ahaa Kooxdii Fc Porto ee Juventus 4/4 uga reebtay tartanka champions League xilli ciyaareedka iskana xaadiriyay 8 dhamaadka tartanka.


Source: laacibfm.com

SHARE