Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Thomas Partey Bilowgii Qaybtii Dambe Ee Kulankii Olympiacos, Miyuu Dhaawacmay?

Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Thomas Partey Bilowgii Qaybtii Dambe Ee Kulankii Olympiacos, Miyuu Dhaawacmay?


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa hoos u dhigay baqdinta dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey kaas oo uu badal ku sameeyay bilowgii qaybtii dambe ee kulankii Olympiacos ee tartanka Europa League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa badal lagu sameeyay bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo keentay in ay Taageerayaasha Arsenal dareemaan cabsi dhaawac ah maadama ay Axada la ciyaari doonaan Tottenham.

Laakiin tababare Arteta ayaa sheegay in uu xiddiga Thomas Partey u badalay si uu wax uga badalo sida ay u socotay ciyaartu kulankii Olympiacos.

Markii la waydiiyay sababtii uu u badalay Thomas Partey ayuu Arteta yidhi”Waxa aan doonayay in aan ciyaarta wax ka badalo waliba keeno xiddig wax kale ku soo kordhinaya ciyaarta”.


Source: laacibfm.com

SHARE