Miyay Ramos Iyo Hazard Ciyaarayaan Kulanka Elche Ee Ligaha

Miyay Ramos Iyo Hazard Ciyaarayaan Kulanka Elche


Idaacadda Cope ee Spain ayaa daboolka ka qaaday xaaladda Ramos iyo Hazard  ka hor kulanka horyaalka ee Elche

Real ayaa beri marti u ah kooxda

Elche

oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 27-aad ee horyaalka Spain

Hazard iyo Ramos ayaa ku soo laabtay tababarka , kabtan Ramos waxa uu ka soo kabsaday dhaawac ka dib qaliin lagu sameeyay halka Hazard  isna u soo kabsaday ka hor waqtigii la filayay.

Haatan waxaa la soo xiganayaa in labada laacib ay u suura galeyso in ay saftaan kulankaas  maadaama si dabeeci ah  ay u sameeyen tababarka

sidaas oo ay tahay go`aanka waxa uu u laabanayaa macalin Zidane kaas oo wararka qaar sheegayaan in uusan dooneyn in uu ku qamaaro labadaas laacib ka hor kulanka Champion-ka ee Atlanta


Source: laacibfm.com

SHARE