Ronaldo Oo Laga Yaabo In Uu Qaado Wadadii David Beckham, PSG-na Laba Arin Dartood Ayay U Dooneysaa Saxiixisa

Ronaldo Oo Laga Yaabo In Uu Qaado Wadadii David Beckham, PSG-na Laba Arin Dartood Ayay U Dooneysaa Saxiixisa


Wargeyska La Parisien ee France ka soo baxa ayaa qoraya in PSG ay si weyn ugu fikirayaan in ay la soo wareegaan weeraryahanka Juventus ee Ronaldo marka suuqa xagaaga uu furmo

Ronaldo oo Juve u tagay xagaagii 2018-da ayaa qorsheynaya in uu ka huleelo marwada duqoowday ka dib markii ay xilli ciyaareedkii sedexaad  oo isku xiga ay ka hareen tartanka Champion-ka

Wargeyskaas ayaa sheegaya in in PSG ay biloowday dhaq dhaqaaqyo ay  Ronaldo ugu qanciyaan in uu u yimaado waxa ayna haminayaan in qaabkii David Beckham oo kale ula soo wareegaan si suuq geynta kooxdaas ay sara ugu kacdo.

PSG ayaa u aragta Ronaldo mid laba qaab ay uga faa`ideysan karaan dhanka garoonka iyo suuq geynta waxa ayna diyaar ula yihiin mushaar sareeya

Ronaldo waxa uu Juve u saftay 121 kulan  waxa uuna u dhaliyay illaa haatan 92 gool balse waxa uu ka careysan yahay xaaladda Juve ee Champion-ka kuwaasi oo sedexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ka haray tartankaas.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Juve iyana aysan diidaneyn in ay iibiyaan Ronaldo haddii dalbo wacan laga keeno halka Ronaldo isna uu door bidayo in weli uu ku sii jiro garoomada qaaradda yurub .


Source: laacibfm.com

SHARE