Saaxib Hore Oo Messi Ku Qancinaya in Ay Midoobaan Kana Soo Huleelo Barcelona.

Saaxib Hore Oo Messi Ku Qancinaya in Ay Midoobaan Kana Soo Huleelo Barcelona.


Weeraryahanka Barcelona ee Messi ayaa ilo wareedyo tilmaamayaan in lagu qanciyay in uu u wareego horyaalka Mareykanka waliba halkaas ku  midoobaan  saaxibkiisan hore ee Fabregas oo isna MLS-ka isha ku haya.

Messi iyo Fabergasb ayaa iska garab ciyaaray  muddo sedex sano ah waana inta u dhaxeysay 2011-kii iyo 2014-kii xilli labada laacib ay yihiin saaxibo aad isugi fiican.

Hishiiska Messi ee CAMP NOU ayaa dhacaya xagaaga  weliba lma jirto hishiis lala gaaray xilli warar kala duwan horay ula xariiriyeen in midkood uu aadi doono PSG ama Man City

Si waliba oo ay ahaato , Guillem Balague oo ah wariye u dhashay Spain ayaa aamnisan in 33 sanio jirkaas u wareegi doono  MLS waliba qal-qalaadaasi uu wado saaixbkiisa Fabregas .

Arinta waxaa kale oo ku jirta xaaska Fabregas oo saaxib dhaw la ah   dhiggeeda Messi  waxa ayna labada ku qancinayaan laacibka uu u soo wareego horyaalka Mareykanka .

Fabregas oo 33 sano jir ah , hishiiskiisa kooxda Monaco  uu dhacayaa xagaaga 22-ka ayaa dhankiisa doonaya in horyaalka Mareykanka u wareego halkaasna uu kula midoobo Messi

Laacibkaan 6-da jeer haysta abaal marinta kubadda dahabka ayaa xagaagii hore isku dayay in uu ka huleelo Barcelona balse isku daygiisa waa fashilmay illaa  uu iska joogay kooxdaaas


Source: laacibfm.com

SHARE