Sergio Ramos Oo Lionel Messi U Diray Fariin Real Madrid Ah Oo Dhanka Suuqa Ah.

Sergio Ramos Oo Lionel Messi U Diray Fariin Real Madrid Ah Oo Dhanka Suuqa Ah.


Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sheegay in uu 100% Aqabli lahaa in uu Lionel Messi ku soo biiro Real Madrid inkasta oo ay labada xiddig muddo 20 sano ah ku xafiiltamayeen Spain.

Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Barcelona tan ilaa xagaagii hore iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha PSG iyo Man City.

Ku biirista Lionel Messi ee Real Madrid ayaan meesha ku jirin laakiin Ramos ayaa sheegay in uu soo dhawayn lahaa hadii ay Kooxdiisa Real Madrid la soo saxiixato Messi.

Isaga oo la hadlaya ibai ayaa yidhi”Miyaan Aqbali lahaa In uu Messi ku soo biiro Real Madrid?.

“100% shaki la’aan, xitaa waxa aan ku marti qaadi lahaa gurigayga si aan uga qosliyo”.

Si kasta ha ahaatee Ramos ayaa sheegay in uuna waligiis ku biiri lahayn kooxda Barcelona isaga oo ku biiristiisa Real Madrid ku sheegay mid aan suurtagal ahayn.

“Miyaan u ciyaari lahaa Barcelona?, Maya xitaa hadii ay 70 milyan sanadkii miiska sii saarayaan, waxa jira waxyaabo aanad lacag ku iibsan karin sidaas darteed suurtagal ma ahan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE