Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Tottenham Vs Arsenal Ka Hor Kulankooda Axada.

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Tottenham Vs Arsenal Ka Hor Kulankooda Axada.


Mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan horyaalka premier League ayaa ka dhici doona garoonka Emirates Stadium kulan ka tirsan todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta Tottenham kulanka North London Derby kulan labada kooxoodba muhiim u ah marka loo eego boosaska ay ku jiraan.

Kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-ad waxana ay 7 dhibcood ka dambaysa kooxda Tottenham ee ay ku xafiiltamaan magaalada London.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo ka mid ah kuwa ugu fiican Premier League waliba adduunka waliba ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay.

Shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Axada ee horyaalka premier League.

Kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo 7 xiddig ku leh halka ay kooxda Tottenham ku leedahay kaliya 5 xiddig shaxda.


Source: laacibfm.com

SHARE