Solskjaer Oo Magacaabay Xiddiga Iska Leh Eeda Bar-Barihii AY Man United La Gashay Ac Milan.

Solskjaer Oo Magacaabay Xiddiga Iska Leh Eeda Bar-Barihii AY Man United La Gashay Ac Milan.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Goolhaye Dean Henderson uu sabab u yahay bar-barihii ay Man United la gashay Ac Milan kulankii Europa League.

Henderson ayaa ku fashilmay in uu daqiiqadii ugu dambaysay badbaadiyo gool madax ah oo daqiiqadii ugu dambaysay lala beegsaday Goolkiisa kulankii ay Man United bar-baro 1/1 ah la gashay Ac Milan.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ay ahayd In uu Henderson qabto shaqo fiican waxa ay ahayd kubadii ugu dambaysay ee ciyaarta”.

“Waxa uu Henderson horay u qabtay shaqo fiican laakiin waxa ay ahayd in uu badbaadiyo ubadaas”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Man United ayaa Haatan kulanka lugta 2-aad galaya iyaga oo khatar ugu jira in ay ka hadhaan tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE