Thomas Tuchel Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Christian Pulisic Ka Tagayo Chelsea.

Thomas Tuchel Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Christian Pulisic Ka Tagayo Chelsea.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in xiddiga Christian Pulisic uu ka mid yahay qorshihiisa xilli xiddiga lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo chelsea.

Tan ilaa markii uu Tuchel tababaraha u noqday chelsea xiddiga Christian Pulisic ayaa kaliya ku biowday hal kulan isgaa oo ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda.

Todobaadkii hore waxa soo baxay warar sheegaya in ay kooxaha Man United iyo chelsea doonayaan saxiixa xiddiga reer America suuqa xagaaga.

Laakiin Tuchel ayaa sheegay in uu xiddiga reer America muhiim ka yahay qorshihiisa kooxda chelsea.

Markii la waydiiyay hadii uu fasixi doono xiddiga Christian Pulisic hadii uu dalabado in uu isaga tago chelsea Tuchel ayaa yidhi”Waxa aad wadaan “Hadii’ badan iyo su’aalo, hadii uu Bari ku bilowdo si fiicana u ciyaaro waxa aad i waydiinaysaan “Hadii uu ku bilaaban doono kulanka Atletico Madrid, hadii uu gool dhaliyo waxa aad i waydiinaysaan “Hadii aan kabtan ka dhigi doono xilli ciyaareedka dambe”.

“Waan fahamsanahay waxa aad ka hadlayso laakiin muddo dheer ayaa inaga xigta, waxa noo hadhay kulamo badan waxana uu ku jiraa qorshahayga”.

“Waa xiddig muhiim u ah kooxda waxana uu Christian Pulisic heli doonaa fursad sida xiddig walba oo kooxda ah”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE