Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Thiago Silva.

Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Thiago Silva.


Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay daafaciisa Thiago Silva iyo waliba in uu seegi doono kulanka Leeds United ee Sabtida.

Thiago Silva ayaa kulankii Everton ka soo laabtay dhaawac uu muddo uga maqnaa kooxdiisa laakiin xiddiga ayaa ku dhaawacmay tababarka kooxda.

Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka ay chelsea booqan doonto garoonka Elland Road ee ay kula ciyaari doonto Leeds United horyaalka premier League.

“Thiagoo waxa uu ku dhaawacmay tababarka Arbacadii waxana uu ka dhaawacmay isla booskii uu horay uga dhaawacmay”ayuu Thomas Tuchel yidhi.

“Sidaas darteed ma dhamaysan tababarka waxana uu seegi doonaa kulanka Leeds United”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE