XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Ka Fikiraya In Uu Ku Laabto Koox Uu Horay Ugu Soo Ciyaaray, Real Mise United?

XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Ka Fikiraya In Uu Ku Laabto Koox Uu Horay Ugu Soo Ciyaaray, Real Mise United?


Wargayska MARCA ayaa qarxiyay lama filaan maanta oo jimce ah kuna saabsan xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda Juventus.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku laabto kooxda Real Madrid xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa xagaagii 2018 isaga tagay Real Madrid kuna biiray kooxda Juventus kadib lacag 88 milyan ah oo ay ka bixisay.

Xiddiga reer Portugal ayaa ugu biiray Juventus si uu ugu hogaamiyo tartanka champions Leageu kadib markii ay kooxdu ku fashilantay tan ilaa 1996-kii.

Laakiin Ronaldo ayaa ku fashilmay in uu kooxda dhaafiyo wareega 16-ka labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay taas oo keentay in uu ka fikiro mustqbalkiisa kooxda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Ronaldo ka fikirayo in uu ku laabto kooxda Los Blancos marka la gaadho suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu wakiilkiisa u sheegay in uu wax walba u sameeyo sidii uu ugu fududayn lahaa ku laabashada kooxda Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE