Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Real Madrid.

Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Real Madrid.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane Ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu Cristiano Ronaldo ugu soo laaban karo kooxda Real Madrid xagaaga.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo ayaa isaga tagay Real Madrid xagaagii 2018 isaga oo ku biiray kooxda Juventus si uu kooxda reer Italy ugu hogaamiyo champions League.

Laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay arintii loo keenay kooxda waxana soo baxay warar sheeaya in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago Juventus xagaaga.

Wararka ayaa xitaa sheeaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 29 milyan oo euro si ay isaga iibiso xiddiga reer Portugal.

Tababaraha Real Zinedine Zidane oo Cristian Ronaldo kula soo shaqeeyay Juventus ayaa wax laga waydiiyay suurtagalnimada uu xiddigu ugu soo laaban karo kooxdiisa.

Zinedine Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waad ogtihiin waxa uu kooxda u qabtay Cristiano iyo waliba jacaylka aan u hayno”.

“Waxa uu Real Madrid ka dhigay taariikh waxana uu ahaa xiddig cajiib ah laakiin haatan waa xiddig Juventus ah mana jirto wax aan kaaga sheegi jiro arimahaas”.


Source: laacibfm.com

SHARE