Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jiray Georginio Wijnaldum, Maxaa Cusub.

Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jiray Georginio Wijnaldum, Maxaa Cusub.


Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday go’aanka ay kooxda Barcelona ka gaadhay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum

Georginio Wijnaldum.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa bartilmaameed u ah kooxda Barcelona bilihii ugu dambeeyay iyaga oo xitaa xagaagii isku dayay in ay helaan saxiixiisa.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee kooxda Liverpool ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan mana jirto heshiis cusub oo uu kooxda u saxiixay.

Arintaas ayaa keentay in ay kooxda Barcelona xiiso waali ah u qabto saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli uu Ronald Koeman oo xiddiga kula soo shaqeeyay xulka qaranka Holland kaga dhagantahay saxiixiisa.

Laakiin wargayska Sport ee ku dhaw kooxda Barcelona ayaa sheegaya in ay maaulka Barcelona ee cusub go’aansadeen in ay isaga hadhaan baacsiga xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegay in ayna kooxdu wax qorshe ah u hayn in ay la soo saxiixato xiddiga inkasta oo ay qaab xor ah ku heli karto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sababta ay kooxdu uga hadhay xiisaha saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa ah qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu xiddiga Ilaix Moriba soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE