Chelsea & Man United Oo Ku Dagaalamaya Daafac Aad Loo Qiimeeyo, Lacag Jaban Ayay Ku Heli Karaan.

Chelsea & Man United Oo Ku Dagaalamaya Daafac Aad Loo Qiimeeyo, Lacag Jaban Ayay Ku Heli Karaan.


Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa isku diyaarinaya in ay ku dagaalamaan saxiixa daafaca kooxda Roma ee Gianluca Mancini sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo qaab toos ah ugu biiray Roma maadama uu amaah ugu soo xilli ciyaareedkii hore.

Gianluca Mancini ayaa qabtay indhaha laba ka mid a kooxaha ugu waaweyn premier League kuwaas oo haysta lacag ay suuqa galiyaan xagaaga sabab la xidhiidha qiimaha daafaca oo aad u hooseeya sida uu sheegayo wargayska The Express.

Kooxda Roma ayaan doonayn in ay iska iibiso xiddiga Gianluca Mancini oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda kaas oo kooxda ka caawiyay in ay shabaqa ilaashato 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Serie A-da.

Laakiin sabab la xidhiidha xaalada Korona iyo dhaqaale xumada kooxda Roma ayaa diyaar u ah in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 27 milyan oo euro.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshaynaya in uu daafac dhexe la soo saxiixdo xagaaga si uu uga garab ciyaarsiiyo kabtankiisa Harry Maguire.

Dhanka kale chelsea ayaa xiiso u qabta daafaca si uu Thomas Tuchel ugu dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE