Chelsea Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Leeds United Kulan Labada Kooxoodba Biraha Garaaceen.

Chelsea Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Leeds United Kulan Labada Kooxoodba Biraha Garaaceen.


Kooxda Leeds United ayaa bar-baro ku qabatay chelsea kulan ay birtu door weyn ka ciyaartay kana tirsanaa horyaalka premier League.


Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ku bilowday qaab dar-dar leh iyada oo labada kooxood isku qaadayeen weeraro ay ku raadinayeen goolal ay ciyaarta wax uga badalaan.

Daqiiqadii 8-ad ayay Leeds United dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Roberts kaas oo kubad ka helay xiddiga Bamford laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Dhawr daqiiqo kadib ayay chelsea heli gaadhay gool kadib markii kubad ku dhacday daafac Leeds United ah kadib birta sare ku dhacday sidaasna gacamaha goolhayaha ku gashay.

Kulanka oo aad mooday in ay Labada Bir ee Labada Gool iska ciyaarayeen ayay kooxda Leeds United mar kale birta ku dhufatay kubad ku dhawaatay in ay gool noqoto.

Kadib qaybta hore oo xaraarad lahayd waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood si fiican u ciyaareen.


Qaybta Dambe:

Waxa qaybtii dambe labada kooxod sii wadeen raadinta goolasha iyada oo ay fursadaha is dhaafsanayeen labada Goolhayena sameeyeen badbaadino cajiib ah.

Chelsea ayaa qaybta dambe maamulaysay dhanka kubad haysashada xilli ay Leeds United ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay orod adeegsanayeen.

Labada tababare ayaa sameeyay isbadalo ay ku doonayeen in ay ciyaarta wax kaga badalaan si ay dhankooda ciyaarta ugu leeyihiin waliba dhaliyaan goolal.

Laakiin labada kooxood ayaa ku fashilmay in ay wax goolal ah kala dhaliyaan inkasta oo ay jireen fursado badan oo ay labada kooxood heleen ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah wax gool ahna kala dhalin waayeen kulanka oo ku ilowday si dar-dar leh.


Source: laacibfm.com

SHARE