Karim Benzema Oo Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogaamiyay Real Madrid, Elche Ayay Garaacee.

Karim Benzema Oo Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogaamiyay Real Madrid, Elche Ayay Garaacee.


Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho Leh ka gaadhay kooxda Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan Uu Karim Benzema Wacdaro dhigay kulanka.


Qaybta Hore:

Kooxd Real Madrid aya si dar-dar leh ku bilaabatay ciyarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda martida u ahayd ee Elche kulan ay kooxda Elche si fiican u difaacatay goolkeeda.

Elche ayaa dhanka kale qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku heleen fursado yar qaybta xilli ay Los Blancos ku dhibaatoonaysay in ay abuurto fursado fiican.

Real Madrid ayaa qaybtii hore kaliya samaysay hal fursad oo la taaban karo iyda oo uu Fursadaas Karim Benzema ku fashilmay in uu gool u badalo.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay Real Madrid wax walba ku fiicnayd kulanka.


Qaybta dambe:

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid ka xaraarad badnayd iyada oo kooxda Elche bilowday in ay kalsooni hesho waliba qaadaysay weeraro wax ku ool ah.

Real Madrid ayaa dhankeeda sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo Elche ku qaadayay weeraro halis ah laakiin wali ku dhibaatoonaya in ay wax gool ah dhaliyaan.

Daqiiqadii 61-aad ayay Elche ka yaabsatay Real Madrid waliba hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Dani Calvo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa bilowday in ay hurdada ka kacdo waliba laba jibaarto weeraradii ay qaadaysay si ay u dhaliyaan goolka ka hor inta ayna wakhtigu ka dhicin.

Daqiiqadii 71-aad ayay Real Madrid heshay goolka bar-baraha waxana madax u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay kooxdiisu ku soo laabatay natiijada ciyaarta.

Kadib goolka bar-baraha Real Madrid ayaa bilowday raadinta gool ay hogaanka ugu qabato ciyaarta iyaga oo aan ka niyad jabin isku dayadii ay samaynayeen.

Los Blancos ayaa sii waday helista fursadaha laakiin ay ku adkayd in ay shabaqa dhex dhigaan kubada taas oo ahayd hawsha ugu adag ee Real Madird ee kulanka.

Daqiiqdii 90+1-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan uu dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul ay u dhibaatootay oo soo laabasho Leh ka gaadhay kooxda Elche kuwaas oo ka yaabsan gaadhay Los Blancos.


Source: laacibfm.com

SHARE