Karim Benzema Oo Oo Taariikh Ka Sameeyay Horyaalka Kadib Labadii Gool Ee Elche.

Karim Benzema Oo Oo Taariikh Ka Sameeyay Horyaalka Kadib Labadii Gool Ee Elche.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa bar-bareeyay rikoodhkii gool dhalinta ee xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee David Villa sidaasna ku noqday xiddiga 12-aad ee ugu goolasha badan tariikhda horyaalka La Liga.

Karim Benzema ayaa dhaliyay 184 gool oo horyaalka La Liga ah kadib markii uu 2 gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii Elche ee horyaalka La Liga.

Weeraryahanka ayaa dhanka kale dhaliyay goolkiisii 15-aad ee hryaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib guushii ay Los Blancos 2/1 uga badisa Elche.

Karim Benzema ayaa haatan 4 gool ka dambeeya xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi tartanka gool dhalinta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 31 jirka ah ee reer France ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa u dhaliyay goolal badan.


Source: laacibfm.com

SHARE