Laba Xaqiiqo Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Bar-Baraha La Gashay Leeds United.

Laba Xaqiiqo Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Bar-Baraha La Gashay Leeds United.


Kooxda chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Leeds United kulan ka tirsanaa horyaalka premeir League kana dhacay garoonka Elland Road.

Labada kooxood ayaa sameeyay fursado cajiib ah laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay kubada shabaqa dhex dhigaan taas oo keentay in ay ku kala baxaan bar-baro 0/0 ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa laba xaqiiqo oo laga diwaan galiay kulankii ay Chelsea bar-baro ku dhaafi wayday Leeds United.

1.Tababare Thomas Tuchel ayan guuldaro la kulmin dhamaan 12-kii kulan ee uu hogaamiyay kooxda chelsea waxana uu bar-bareeyay rikoodhkii uu Filipe Scolari u dhigay chelsea ee ahaa in uuna 12 guuldaro la kulmin kulamadiisa ugu horaysa ee kooxda.

2.Chelsea ayaa ba-rbaro gashay 3 kulan 10-kii kulan ee uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda Waana in ka badan 57-kii kulan ee uu Frank Lampard hogaamiyay kooxda oo ahaa 2 bar-baro.


Source: laacibfm.com

SHARE