Lucas Ocampos Oo Ka Jawaabay Xiisaha Liverpool Ee Saxiixiisa.

Lucas Ocampos Oo Ka Jawaabay Xiisaha Liverpool Ee Saxiixiisa.


Xiddiga weerarka uga ciyaarakooxda Sevilla ee Lucas Ocampos ayaa ka hadlay xiisaha ay kooxda Liverpool u qabto saxiixiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga Lucas Ocampos ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Liverpool xilli ay Reds isha ku hayso xiddiga si ay ugu xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin xiddiga reer Argentine ayaa ka jawaabay wararkaas isaga oo la hadlaay wargayska MARCA ayuu yidhi”Joogista Sevilla ayaa iga dhigaya mid faraxsan, waana sababta aan qaab ciyaareedka fiican ugu jiro”.

“Tan ilaa markii aan ku soo biiray kooxda Sevilla waxa aan maalin walba u shaqeeyaa si adag si aan u sii jooo Sevilla”.

“Sevilla waxa ay mar walba u dagaalantaa ku guulaysiga koobabka waaweyn sidaas darteed waxa aan ku faraxsanahay in aan sii joogo kooxda”.


Source: laacibfm.com

SHARE