Man United Oo Isaga Hadhay Baacsiga Loogu Jiro Erling Braut Haaland, Sabab.

Man United Oo Isaga Hadhay Baacsiga Loogu Jiro Erling Braut Haaland, Sabab.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland sabab la xidhiidha qiimaha xiddig oo aad u badan.

Erling Braut Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 31 gool 29 kulan oo uu ciyaara tartamada oo dhan kuna jiraan 10 gool oo champions League ah.

Man United ayaa ka mid ahayd kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga marka loo eego in uu tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer xidhiidh fiican la leeyahay da’yarka.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man United ku dhibaatoon doonto in ay bixiso lacagta lagu heli karo xiddiga Haalanad.

Arintaas ayaa la macno ah in kooxaha Liverpool iyo Man City yihiin labada kooxood ee premeir Leaue ah ee ku hadhay tartanka xiddiga maadama uu horay isaga diiday kooxda chelsea.


Source: laacibfm.com

SHARE