Miyuu Roberto Firmino Taam U Noqon Doonaa Kulanka Wolves? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Miyuu Roberto Firmino Taam U Noqon Doonaa Kulanka Wolves? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheeay in la qiimayn doono xaalada xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Roberto Firmino ka hor kulanka Wolves ee Isniinta.

Xiddiga ayaa dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool kadib dhaawac soo gaadhay waxana la qiimayn doonaa xaaladiisa ka hor kulanka Wolves.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale sheegay in uuna jirin wax dhaawacyo cusub ah oo kooxdiisa soo gaadhay ka hor kulanka Wolves ee Premier League.

“Waan eei doonaa, Bobby Tababar nalama qadan laakiin taas ayaan la macno ahayn in uuna ciyaari doonin kulanka”.

“Waxa aan tababar qaada doonaa maalmaha soo socda sidaas darteed waxa aan eegi doonaa waxa uu dareemo”.

“Wixii intaas ka baxan ma jiraan dhaawacyo kale oo kooxda ah cid walba waa diyaar”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE