Ole Gunnar Solskjaer Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Cristiano Ronaldo

Ole Gunnar Solskjaer Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Cristiano Ronaldo


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in uu kooxdiisa ku soo dhawayn doono Cristiano Ronaldo xilli uu shakigu ku sii badanayo mustaqbalka xiddiga ee kooxda Juventus.

Kooxda Juventus ayaa laga reebay champions league todobaadkii hore taas oo shaki galisay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa lacag badan ugu soo biiray Juventus waxana la sheegayaa in ay kooxdu iska iibinayso xiddiga sabab la xidhiidha xaalada adag ee ay kooxdu ku jirto dhanka dhaqaalada.

Todobaadkii hore ayay soo bexeen warar sheegaya in uu wakiilka Ronaldo Man United u soo bandhigay saxiixa xiddiga xagaagii hore waliba United u sheeay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaan dhicin laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu kooxdiisa ku soo dhawayn lahaa Cristiano Ronaldo hadii haatan loo soo bandhigo kooxdiisa.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa jira dhawr xiddig oo aan ka soo garab ciyaaray oo aan jeclaan lahaa in aan haatan kooxdayda ku haysto”.

“Waxa aan ka garab ciyaaray Cristiano Ronaldo waxana uu ahaa xiddiga ugu fician ee aan ka soo garab ciyaaray sidaas darteed waan ku soo dhawayn lahaa kooxdayda”.

“Waan jeclaan laha in uu kooxdayda ku jiro”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE