Paris Saint-Germain Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Lionel Messi.

Paris Saint-Germain Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Lionel Messi.


Agaasimaha Kooxda PSG ee Leonardo ayaa sheegay sheegay in ayna kooxdiisu u dhawayn saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Kooxda Caasimada ayaa la rumaysanyahay in ay xiddiga 33 jirka ah u doonayso badalka xiddiga Kylian Mbappe kaas oo uu mustaqbalkiisa shaki ku jiro.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan xiddiga reer Argentine kumana dhawa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona.

Leonardo ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay “u dheg taagayaan” xaalada Lionel Messi laakiin ay haatan diiradda saarayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddigaha Neymar iyo Mbappe.

“Waan la soconaa xaalada Lionel Messi laakiin haatan ma jiraan wax cusub”ayuu Leonardo u sheegay RMC Sport markii wax laga waydiiyay u dhaqaaqista Lionel Messi.

“Muhiimadeena ayaa ah in aan heshiis cusub ka saxiixano xiddigaha haatanba kooxda jooga mana jiraan wax intaas ka badan oo la qorsheeyay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE