Real Madrid Oo Diyaarsatay Liiska 3 Xiddig Oo Ay U Calaamadsatay Badalka Sergio Ramos.

Real Madrid Oo Diyaarsatay Liiska 3 Xiddig Oo Ay U Calaamadsatay Badalka Sergio Ramos.


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarsatay 3 daafac oo ay ugu dhaqaaqi doonto badalka suurtagalka ah ee daafaca Sergio Ramos.

Kabtanka kooxda ayuu heshiiskiisu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu dhawaan qirtay in ayna jirn wax horumar ah oo ku saabsan heshiis kordhintiisa.

Dhanka kale tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay in uu Ramos qaab xor ah uga tagi kado kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid haatanba haysato 3 xiddig oo ay u aragto badalka Sergio Ramos hadii uu ka tago kooxa xagaga.

Xiddiga Bayern Munich ee David Alaba, Daafaca Villarreal ee Pau Torees iyo daafaca Sevilla ee Jule Kounde ayaa ah xiddigaha ay Los Blancos u aragto badalka Sergio Ramos.

David Alaba ayaa si xor ah uga tagi doona kooxda Bayern Munich marka uu dhoco heshiiskiisu sida Ramos dhamadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale xiddigaha Torres iyo Kounde ayaa la rumaysanyahay in yihiin labada xiddig ee uu Zidane sida aadka ah u doonayo hadii uu Ramos tago.


Source: laacibfm.com

SHARE