Saddex Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Man United Ka Maqnaan Doona Kulanka West Ham.

Saddex Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Man United Ka Maqnaan Doona Kulanka West Ham.


Kooxda Man United ayaa masiibo dhaawac oo dhanka weerarka ah dhexda uga jirta xilli uu shaki ku jiro taam ahaanshaha xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial & Edinson Cavani kulanka West Ham.

Xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial & Edinson Cavani ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo kala duwan iyada oo uu Rashford ku dhaawacmay kulankii Manchester Derby ka hor inta uuna Martial ku dhaawacmin kulankii Ac Milan xilli uu Cavani markii horeba dhaawac kaga maqnaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Haatan Waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha 3-da xiddig kulanka West Ham ee Axada iyada oo ay Marcus Rashford, Anthony Martial & Edinson Cavani wali ku dhibaatoonayaan dhaawacyo.

Tababaraha man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in ayna xiddigaha Rashford Iyo Cavani taam u noqon doonin kulanka West Ham halka uu sidoo kale Martial shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

“Anthony waxa uu ka dhaawacmay sinta sidaas darteed waxa uu u baahanyahay baadhitaan”ayuu u sheegay Manunited.com

“Waxa aan rajaynayaa in uu Marcus taam noqdo kulanka khamiista ee Ac Milan laakiin ma hubo in uu ciyaari doono kulanka West Ham, Cavani dhankiisa diyaar uma noqon doono kulanka Axada”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE