Sergio Aguero Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.

Sergio Aguero Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa ugu dambayn afka furtay kana jawaabay wararka la xidhiidhinaya kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Heshiiska Sergio Aguero ee kooxda Man City ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxna si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Sergio Aguero ayaan wali wax heshiis kordhin ah la gaadhin kooxda Man City taas oo keentay in si weyn loola xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda sida weyn loola xidhiidhinayo saxiixa xiddiga Sergio Aguero bilihii ugu dambeeyay xilli kooxda reer Spain doonayso saxiixiisa.

Sergio Aguero oo waraysi siinaya Wargayska MARCA ayaa yidhi”Cid walba waxa ay ka hadlaysaa Barcelona, Barcelona, bal aan wax yar sugno”.

“Waa in aan sugno ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka sababta oo ah wali waxa aan ahay xiddig Man City ah”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE