Sirta Ka Dambaysa Dhibaatada Thiago Alcantara Ee Liverpool Oo La Ogaaday.

Sirta Ka Dambaysa Dhibaatada Thiago Alcantara Ee Liverpool Oo La Ogaaday.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ku dhibaatoonaya Qaab ciyaareedka tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool xagaagii.

Xiddiga reer Spian ayaa Liverpool kaga soo biiray Bayern Munich xagaagii la soo dhaafay kadib markii ay Reds ka soo bixisay lacag 20 milyan ah.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo isaga oo la kulmay dhaleecayn xoogan falanqeeyayaasha iyo saxaafada ah.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in sababta uu Thiago Alcantara ugu dhibaatoonayo Liverpool tahay in uu la qabsan laayahay qaab ciyaareedka Tababare Jurgen Klopp.

Tababare Klopp ayaa ku ciyaa qaab ciyaareed orod ah sidaas darteed xiddiga ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado qaab ciyaareedka Liverpool ee Tababare Klopp.


Source: laacibfm.com

SHARE