Taageerayaasha Real Madrid Oo Codkooda Ka Dhiibtay Soo Laabashada Cristiano Ronaldo.

Taageerayaasha Real Madrid Oo Codkooda Ka Dhiibtay Soo Laabashada Cristiano Ronaldo.


Jimcihii waxa soo baxay warar lama filaan ah oo ku saabsan kooxda Real Madrid iyada oo wargaysyo badan sheegayaan in xiddiga Cristiano Ronaldo loo soo bandhigay kooxda Real Madrid.

Wargaysyada El Chiringuito & Cadena Cope ayaa sheegaya in wakiilka xiddiga ee Jorge Mendes uu kooxda Real Madrid u soo bandhigay saxiixa xiddiga si uu ugu soo laabto kooxda.

Xiddiga reer Portugal ayaa isaga tagay Real Madrid xagagii 2018 isaga oo ku biiray kooxda Juventus oo uu u dhaliyay 92 gool intii uu joogay kooxda.

Xiddigii hore ee Man United ayaa wali ah xiddiga ugu golasha badan taariikhda kooxda Real Madrid waxana uu doonayaa in uu ku soo laabto kooxda Real Madrid xagaaga.

Wargaysk AS ayaa sameeyay codayn ay ka qayb qaateen taageerayaasha kooxda Real Madrid kuna saabsan soo laabashada Cristiano ee Santiago Bernabeu.

Codaynta ayay ka qayb qaateen dad ka badan 80,000 oo taageere waxana ay taageerayaal dhan 54% waxa ay u codeeyeen in ay kooxdu dib ula soo saxiixato xiddiga.

Dhanka kale 46% taageerayaasha Real Madrid ayaa dhankooda u codeeyay in ayna kooxdu dib ula soo saxiixan xiddiga reer Portugal.


Source: laacibfm.com

SHARE