WARBIXIN: Barcelona Oo Dajisatay Qorshe Ay Ugu Dhaqaaqayso Saxiixa Erling Haaland, Maxay Damacsanyihiin.

WARBIXIN: Barcelona Oo Dajisatay Qorshe Ay Ugu Dhaqaaqayso Saxiixa Erling Haaland, Maxay Damacsanyihiin.


Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ka mid noqday xiddigaha weerarka ee gu fiican wakhti xaadirkan kubada cagta waxana la sheegayaa in uu bartilmaameedka riyada u yahay kooxda Barcelona.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaarisay qorshe ay ugu dhaqaaqayso saxiixa Erling Haaland marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa diyaarinaysa in ay iska iibiso ugu yarana 9 xiddig si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddig Erling Haaland marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaar u tahay in ay xagaaga iska iibiso xiddigaha Junior Firpo, Philippe Coutinho, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Neto, Samuel Umtiti & Miralem Pjanic suuqa xagaaga.

Xiddigaha da’yarka ah ee aan sida joogtada ugu ciyaarin kooxda ee sida Matheus Fernande ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha suuqa la dhigi doono.

Sidoo kale kooxda ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u iman doona daafaca dhexe ee Clement Lenglet kaas oo qaab ciyaareed xun ku jira.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa ka cabsi qabta in mushaharada ay xiddiguhu qaataan haatan in ay ka hor istaagi karaan ka tagista kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE