WARBIXIN: Sababihii Real Madrid Ka Caawiyay Guushii Ay Ka Gaadhay Elche.

WARBIXIN: Sababihii Real Madrid Ka Caawiyay Guushii Ay Ka Gaadhay Elche.


Koxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana tirsanaa todobaadkii 28-aad.

Goolal uu dhaliyay xiddiga Karim Benzema ayaa kooxda Real Madrid ka caawiyay in ay gaadho guul soo laabasho leh oo muhiim.


Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3-da sabab ee Real Madrid ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaadho Elche.


1.Zidane oo saxay Khaladka Shaxdiisa:

Tababare Zidane ayaa ku khaldamay in uu shaxdiisa ku bilaabo xiddigaha Casemiro, Valverde iyo Isco waxana ay 3-da xiddigba ku fashilmeen in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican inkasta oo ay dadaaleen.

Laakiin Zidane aya kahaldkiisa saxay isaga oo badal ku soo galiyay xiddigaha Luka Modric iyo Toni Kroos kuwaas oo gabi ahaan ciyaarta wax ka badalay markii ay soo galeen ciyaarta.

Sidaas darteed Go’aanka uu tababaruhu ku soo galiyay xiddigaha khadka dhexe ee Modric iyo Kroos ayaa door ka qaatay guusha marka loo eego in uu xiddiga Modric ku lug lahaa goolkii 1-aad ee Benzema.


2.Qaab Ciyaareedka Karim Benzema:

Xiddiga reer France ayaa ku jiray qaab ciyaareedkiisii ugu ficinaa kulankan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay guul muhiim ah inkasta oo uu khasaariyay dhawr fursad oo cajiib ah.

Laakiin Benzema ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah waliba u qalmay in uu amaan helo.


3.Elche Oo Dib U Laabatay:

Kadib markii ay goolka dhalisay kooxda Elche ayaa dib u laabatay waliba difaac galay si ay u ilaashadaan goolka ay dhaliyeen guushana ku gaadhaan kulankaas.

Laakiin arintaas ayaa noqotay kahald weyn maadama ay Real Madrid ka faa’iiday arintaas kuna ciqaabtay kuna dhalisay 2 gool oo ay guul ku gaadhay kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE