Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ku lug Leh 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Soo Saaray.

Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ku lug Leh 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Soo Saaray.


Xilli ciyaareedkan waxa jira weeraryahano qaab ciyaareed cajiib ah ku jira 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub halka uu qaar kale hoos u dhacay qaab ciyaareedkoodu.

Xiddigihii looga bartay qaab ciyaareedka fiican ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican sida xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo iyaga oo ka dambeeya xiddigaha haatan wacdaraha dhigay.

Inkasta oo uu Cristiano Ronaldo hogaaminayo gool dhalinta horyaalka Serie A-da laakiin waxa uu kaalinta 10-aad kaga jiraa xiddigaha goolasha ugu badan ku lugta leh xilli ciyaareedkan 5-ta horaal ee ugu waaweyn.

Cristiano ayaa dhaliyay 20 gool horyaalka Serie A-da laakiin kaliya 2 gool caawiye ka noqday taas oo la macno ah in uu ku lug leeyahay 22 xiddig.

Waxa jira 9 xiddig oo ka horeeya dhanka ku lug lahaanshaha goolasha 5-ta horyaal ee ugu waaweyn xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku lug leh xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 31 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 gool oo kale sidaasna ugu lug leh 37 gool.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 16 gool caawiyena ka noqday 13 gool oo kale waxana uu sidaas ugu lug lahaaday 29 gool

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 19 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale waxana uu ku lug leeyahay 27 gool.


Hadaba halkan hoose kaga bogo Liiska 10-ka xiddig ee goolasha ugu badan ku lug leh xilli ciyaareedkan.

Robert Lewandowski Bayern Munich 31 Gool 6 Caawin
Harry Kane Tottenham 16 Gool 13 Caawin
Lionel Messi Barcelona 19 Gool 8 Caawin
Bruno Fernandes Man United 16 Gool 11 Caawin
Romelu Lukaku Inter Milan 18 Gool 7 Caawin
Erling Haaland Borussia Dortmund 19 Gool 5 Caawin
Kylian Mbappe PSG 18 Gool 6 Caawin
Luis Muriel Atalanta 16 Gool 7 Caawin
Memphis Depay Lyon 14 Gool 9 Caawin
Cristiano  Ronaldo Juventus 20 Gool 2 Caawin


Source: laacibfm.com

SHARE