Borussia Dortmund Oo Fariin U Dirtay Kooxaha Doonayaa Erling Haaland

Borussia Dortmund Oo Fariin U Dirtay Kooxaha Doonayaa Erling Haaland


Maamulaha kooxda Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay ku dadaali doonto sidii Erling Braut Haaland loogu sii hayn lahaa ku ciyaarta Westfalenstadion.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan taas oo keentay in lala xidhiidhiyo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Liverpool, Chelsea, Man United, Man City iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Dortmund ayaa halis ugu jirta in ay waydo qaarka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda hadii ay u soo bixi waydo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Zorc ayaa sheegay in ay wax walba u samayn doonaan sidii ay u sii haysan lahayeen xiddiga Haaland.

Isaga oo la hadlaya Welt am Sonntag, madaxa Dortmund ayaa yidhi: “Weligay ma arag qof sidiisa oo kale ah, hadii aan baadhno Yurub, hadii uu naga tagao waxa jira kooxo dhawr ah doonaya saxiixiisa Laakiin waxa aan isku dayi doonaa in aan sii haysano inta ugu badan ee suurtagalka ah”.


Source: laacibfm.com

SHARE