Cristiano Ronaldo Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Doonayo Ku Laabashada Real Madrid.

Cristiano Ronaldo Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Doonayo Ku Laabashada Real Madrid.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa afka furtay kadib markii ay soo bexeen warar ku saabsan mustaqbalkiisa kadib ka hadhistii Juventus ee champions Leageu.

Juventus iyo Ronaldo ayaa tartanka champions league kaga hadhay wareega 16-ka xilli ciyaareedkan taas oo sababtay in si weyn loo hadal hayo mustaqbalka xiddiga.

Wararka ayaa sheegayay in uu xiddiga reer Portugal doonayo in uu ku laabto Real Madrid laakiin xiddiga ayaa beeniyay wararkaas.

Cristiano Ronaldo ayaa bogiisa Instagram ku soo qoray”Waxa ugu muhiimsan marka aad kufto sida ugu dhakhasaha iyo xooga adan ee aad lugahaaga ugu istaagto, guulaystayaasha dhabta ah ma jabaan”.

“Ujeedadeenu waa kulanka Cagliari ku guulaysiga horyaalka Serie A-da iyo Italian Cup-ka walina waan ku guulaysan karnaa intaas”ayuu si raaciyay.

“Taariikhda lama masixi karo waxana la qoraa maalin walba waxana aan u shaqayn doonaa si adag”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE