Faah-Faahinta Heshiiska Ay Barcelona U Soo Bandhigtay Sergio Aguero Oo La Ogaaday.

Faah-Faahinta Heshiiska Ay Barcelona U Soo Bandhigtay Sergio Aguero Oo La Ogaaday.


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxdiisa Man City.

Kooxda Barcelona ayaa Sergio Aguero u doonaysa in ay ku xoojiso weerarka iyo waliba in ay Lionel Messi ugu qanciso in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Sergio Aguero ku dhawyahay in uu ogolaado heshiis 2 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Argentine Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu isku diyaarinayo in uu u guuro magaalada Barcelona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE