Hordhac: Barcelona Vs Huesca: Blaugrana Oo Ku Dhawaan Karta Hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga.

Hordhac: Barcelona Vs Huesca: Blaugrana Oo Ku Dhawaan Karta Hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga.


Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Huesca kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga.

Sidoo kale guul ay Barcelona gaadho ayaala macno a in ay kaliya 4 dhibcood u jiri doonto kooxda hogaaminaya horyaalka ee Atletico Madrid.

Dhanka kale Huesca ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya sidii ay uga bixi lahaayeen boosaska looga hadho horyaalka.


Kulanka: Barcelona Vs Huesca


Tartanka: La Liga


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Camp Nou


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa guuldaro ka fogaatay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Huesca tartamada oo dhan 4 guul iyo hal bar-baro iyaga oo dhaliyay 8 gool laba kulan oo kala duwan.

Guushii 8/1 ee ay Barcelona ka gaadhay Huesca bishii September 2018 ayaa ah guuldaradii ugu weynayd ee Huesca ka soo gaadha horyaalka La Liga.

Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 16 kulan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waana rikoodhka ugu dheer ee 5-ta horyaal ee ugu waaweyn haatan.

Barcelona ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeyay ee ay horyaalka La Liga ciyaartay maalin Isniin ah iyaga oo aan kulamada maalintaas laga badin tan ilaa January 1998.


Source: laacibfm.com

SHARE