Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababta Uu Thiago Alcantara Ugu Dhibaatoonayo Liverpool.

Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababta Uu Thiago Alcantara Ugu Dhibaatoonayo Liverpool.


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sharaxay sababta uu xiddiga Thiago Alcantara ugu dhibaatoonayo qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in uu u baahanyahay wakhti uu kula qabsado Reds.

Thiago Alcantara ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagii isaga oo kaga soo biiray Bayern Munich kadib dalab lacageed oo dhan 20 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa la filayay in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo Liverpool laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan ku dhibaatooday kooxda Liverpool.

“Xiddig walba waxa uu u baahanyahay in uu helo wakhti uu kula qabsado kooxda”ayuu klopp yidhi

“in aanan haysan xiddig ka ciyaari kara khadka dhexe ee daafaca ayaa sabab u noqotay qaab ciyaareedka Thiago”ayuu Klopp sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE