Karim Benzema Oo Real Madrid Ilowsiiyay Cristiano Ronaldo, Imisa Gool Ayuu Kooxda U Dhaliyay Tan Ilaa Bixitaankii Ronald?

Karim Benzema Oo Real Madrid Ilowsiiyay Cristiano Ronaldo, Imisa Gool Ayuu Kooxda U Dhaliyay Tan Ilaa Bixitaankii Ronald?


Karim Benzema ayaa badbaadiyay Real Madrid kulankii Elche isaga oo goolka bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa ka hor intii uuna goolka guusha dhalin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Labadaas gool ayaa la macno ah in uu dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyada oo ah xilli ciyaareedkii 3-aad oo uu dhaliyay 20 gool.

Xilli ciyaareedkii 2018/2019 Karm Benzema ayaa dhaliyay 30 gool ka hor inta uuna xilli ciyaareedkii 2019/2020 dhalin 27 gool walina waxa uu fursad u haystaa in uu dhaliyo goolal intaa ka badan.

Karim Benzema ayaa noqday xiddiga ugu fiican dhanka weerarka tan ilaa markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda sanadkii 2018 isaga oo kooxda u dhaliyay 77 gool tan ilaa markii uu Ronaldo ka tagay kooxda.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xiddiga ugu soo dhaw ee ugu goolasha badan Real Madrid yahay xiddiga Casemiro kaas oo dhaliyay 6 gool isaga oo 14 gool ka dambeeya Benzema.


Source: laacibfm.com

SHARE