Maamulka Liverpool Oo Jurgen Klopp U Sameeyay Balan Qaad Ku Saabsan Mohamed Salah.

Maamulka Liverpool Oo Jurgen Klopp U Sameeyay Balan Qaad Ku Saabsan Mohamed Salah.


Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay maamulka Liverpool tababare Jurgen Klopp u balan qaadeen in ay kooxda ku sii hayn doonaan xiddiga Mohamed Salah xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalka xiddiga reer Masar ee kooxda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaa in ay maamulka liverpool Taababare Klopp u balan qaadeen in ay wax walba u samayn doonaan in ay salah ku sii hayaan kooxda.

Salah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Liverpool isaga oo goolal badan u dhaliyay kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray xagaagii 2017.

Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga reer Masar dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay kooxda ugu sii hayaan xiddiga muddo dheer.

Xiddiga reer Masar oo Mohamed Salah ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu u tartamayaa ku guulaysiga gool dhalinta horyaalka.


Source: laacibfm.com

SHARE