PSG Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig U Ciyaara Man United.

PSG Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig U Ciyaara Man United.


Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga Khadka dhexe ee Paul Pogba si ay u helaan xiddiga marka uu furmo suqua xagaaga.

Mustaqbalka Paul Pogba ayuu shaki weyn ku jiraa waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wakiilka Pogba ayaa bilo ka hor qirtay in wakhtigii Paul Pogba ee Man United soo dhamaaday waliba xiddigu isaga tagi doono kooxda marka uu furmo suuqa xagaaga.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in ay kooxda PSG wadahadalo la rasmi ah la furtay wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola si ay xiddiga u helaan xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Paul Pogba u furanyahay in uu ku biiro kooxda PSG hadii ay dalab Fiican miiska u saarto xilli uu baxsad ka yahay Man United.


Source: laacibfm.com

SHARE