Rikoodhada Cajiibka Ah Ee Uu Cristaino Ronaldo Kala Baxay Kulankii Cagliari Ee Uu Dhaliyay Saddexley-da.

Cristiano Ronaldo ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Juventus kulan ay garaacday kooxda Cagliari kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Saddexley uu Cristiano Dhaliay ayaa Juventus ka caawisay in ay guul weyn ka gaadho kooxda Cagliari.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikoodhadii cajiibka ahaa ee uu Cristiano Ronaldo kala baxay kulankii Cagliari.

1.Kadib goolkii Cagliari, Cristiano Ronaldo ayaa gool ku dhaliyay dhamaan 18-ka garoon ee uu ku ciyaaray horyaalka Serie A-da.

2.Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 87 gool bisha March marka uu u ciyaarayo kooxaha iyo xulka qaraniisa waana rikoodhka ugu fiican ee uu bil kaliya ku leeyahay xirfadiisa ciyaareed.

3.Cristiano Ronaldo Ayaa dhaliyay saddexleydiisii 2-aad ugu deg-dega badnayd isaga oo ay ku qaadatay 32 daqiiqo kaliya saddexleydii uu ka dhaliyay Espanyol ayaa ka deg-deg badnaa markaas oo uu ku dhaliyay 20 daqiiqo.

4.Cristiano Ronaldo ayaa saddexleyda ku dhaliya Madax, Lugta Midig iyo Lugta Bidix waana saddexley dhamaystiran.

5.Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay saddexleydiisii 57-aad ee xirfadiisa ciyaareed.

6.Sida uu Cristiano Ronaldo 57 saddexley u kala dhaliyay xirfadiisa ayaa kala ah.

  • Man United: 1 saddexley
  • Real Madrid: 44 Saddexley
  • Juventus: 3 saddexley
  • Portugal: Saddexley.


Source: laacibfm.com

SHARE