Thiago Silva Oo Magacaabay 10-kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Ee Uu Wajahay Xirafiisa Ciyaareed

Thiago Silva Oo Magacaabay 10-kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Ee Uu Wajahay Xirafiisa Ciyaareed


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Thiago Silva ayaa doortay 10-kii xiddig ee ugu adkaa ee uu ka hor tagay xirfadiisa ciyaareed oo bilaabantay 19 sano ka hor.

Thiago ayaa  u soo ciyaaray kooxaha Ac Milan, PSG iyo waliba chelsea oo uu haatan u ciyaaro iyo waliba xulka qaranka Brazil.

Daafaca ayaa doortay xiddigaha ugu adag ee uu ka hor yimid waxana uu yidhi”waxa ugu fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, Laakiin waxa jira xiddigo kale”.

“Hadiiaan ka hadlo waxa ka mid ah xiddigaha Di Maria iyo Mbappe waxa uu mid leeyahay orod badan halka uu midka kale leeyahay xirfad cajiib ah”.

“Waxa ku jira Roberto Firmino sabab la xidhiidha maskaxbadnidiisa sidoo kale waa in aan ka hadlo Romário sababta oo ah waxa uu aad ugu ficinaa goolka hortiisa si la mid ah Didier Drogba oo lahaa lugta bidix oo aad u fiican”.

“Hadii aan ka hadlo xiddigaha haatan waxa ka mid ah Ibrahimovic kaas oo ah xiddig ay caruurtu ku daydaan”.

“Sidoo kale ma iloobi karo Neymar iyo sixirkiisa waana xiddig cajiib ah gaar ahaan marka uu haysto”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE