WARBIXIN: Juventus & Barcelona Oo Qorshaynaya Saxiixyo Is Dhaafsi Ah, Ayay Isku Badalayaan.

WARBIXIN: Juventus & Barcelona Oo Qorshaynaya Saxiixyo Is Dhaafsi Ah, Ayay Isku Badalayaan.


Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay suuqa xagaaga sameeyaan heshiis isku badalasho ah sida ay sheegayan wararku.

Juventus iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay u furanyihiin in ay is dhaafsadaan labada xiddig ee Paulo Dybala & Antoine Griezmann marka uu furmo suuqa xagaagu.

Labada kooxood ayaa isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub kadib markii laga reebay tartanka champions league xilli ciyaareedkan todobaadkan.

Juventus ayaa ku jirta wakhti adag iyaga oo 10 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Serie A-da ee Inter Milan halka ay Barcelona 6 dhibcood ka dambayso kooxda Atletico Madrid

Wargayska MARCA ayaa sheeaya in ay labada kooxood suuqa xagaaga si fiican u gali doonaan xagaaga si ay u xoojiyaan kooxdooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay labada kooxood doonayaan in ay is dhaafsadaan labada xiddig ee Paulo Dybala & Antoine Griezmann suuqa xagaaga.

Sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee jirta labada kooxood ayaa aaminsan in heshiiska is dhaafsiga ah yahay mid u fiican labada kooxoodba.


Source: laacibfm.com

SHARE