WARBIXIN: Saddex Melood Oo Lagu Kala Badin Karo Kulanka Arsenal Vs Tottenham Kulanka Caawa

WARBIXIN: Saddex Melood Oo Lagu Kala Badin Karo Kulanka Arsenal Vs Tottenham Kulanka Caawa


Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan hroyaalka premier League kana dhici doona garoonka Emirates.

Kulanka ayaa muhiim u ah labada kooxood marka lo eego in ay koox bartilmaameedsanayso boosaska champions League halka ay koox kale isha ku hayso in ay kor u soo fuusho kala saraynta horyaalka.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 arin oo fure u noqon kara kulanka laguna kala badin karo.


1.Serge Aurier vs. Pierre-Emerick Aubameyang:

Labada xiddig ee ka soo jeeda qaarada Africa ayaa ku tartami doona garoonka dhexdiisa iyada oo ay labada xiddig iyo boosaska ay ka ciyaarayaan muhiim u yahay kulanka.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay isaga oo kooxdiisa u dhaliyay goolal muhiim ah kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hor iman doona xiddig dhankiisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waana xiddiga Serge Aurier kaas oo dhankiisa ku jira qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay.


2.Heung-Min Son vs. Bukayo Saka:

Labadan xiddig ayaa leh tayo cajiib ah iyada oo uu xiddig walba dhankiisa u fiicanyahay waliba go’aamin karo kulanka hadii uu ku jiro qaab ciyaareed fiican.

Bukayo Saka ayaa xilli ciyaareedkan ah xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal waxana uu kooxdiisa ka caawiyay in ay guul gaadho kulamado badna xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Heung-Min Son ayaa ah xiddig laf dhabar u ah kooxda Tottenham waxana uu marar badan caawiyay kooxdiisa isaga oo u dhaliyay goolal badan.


3.Harry Kane vs David Luiz:

Weeraryahanka reer England ayaa ka hor iman doona daafaca reer Brazil kulan boosku muhiim u yahay labada kooxood.

Harry Kane ayaa dhankiisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay goolal badan sidoo kale qaabab badan u caawiyay kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Kane ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay caawinta ugu badan horyaalka premier League sidaas darteed hadii uuna gool dhalin waxa uu samaynayaa caawin.

Harry ayaa ka hor iman doona daafaca David Luiz kaas oo dhankiisa ku jira qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay waxana ay labada xiddig go’aamin doona kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE