WARBIXIN: Xiddigaha Ugu Cad-Cad Ee U Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga Uu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

WARBIXIN: Xiddigaha Ugu Cad-Cad Ee U Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga Uu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League waxa ka hadhay 2 bilood xidhiidhka PFA ayaana diyaarinaya in ay Xiddigaha waydiiyaan codaynta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha u tartami doona abaalmarinta ama ugu cad-cad in ay ku tartamaan abaalmarinta.


Jack Grealish (Aston Villa)

Xiddiga khadka dhexe ee ee Grealish ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale ilaa haatan.


Jamie Vardy (Leicester)

Xiddiga 34 jirka ah ayaa kooxdiisa Leicester City ku dhigaya wacdaro xilli ciyaareedkan Xiddiga reer England ee khabiirka ah ayaa dhaliyay 12 gool oo horyaalka premier League xili ciyaareedkan waxana uu sidoo kale sameeyay 5 caawin oo kale.


Mohamed Salah (Liverpool)

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkii 2017/2018 kadib markii uu dhaliyay 33 gool premier Leaue ah.

Xilli ciyaareedkan Salah ayaa wali sii wada wacdaraha iyo gool dhalinta inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonayso Mohamed Salah ayaa dhaliyay 17 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.


Kevin De Bruyne (Manchester City)

Xiddigan ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican laakiin xilli ciyaareedkan waxa dhibay dhaawacyo badan.

Hadana xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 11 kale horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.


Ruben Dias (Manchester City)

Daafacii hore ee kooxda Benfica ayaa saamayn weyn ku yeeshay kooxda Man City tan ilaa markii uu ku soo biira suuqii xagaaga la soo dhaafay.

Dias ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaqa ilaashadaan 13 kulan oo horyaalka ah iyada oo kaliya laga dhaliyay 21 gool xilli ciyaareedkan oo dhan.


Bruno Fernandes (Manchester United)

Xiddiga reer Portugal ayaa laf dhabar u ah kooxda Man United xilli ciyaareedka isaa oo goolasha ugu badan ku lug leh tan ilaa markii uu kooxda yimid.

Bruno ayaa dhaliyay 16 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 gool oo kale ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedka.


Harry Kane (Tottenham Hotspur)

Harry ayaa dhankiisa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 16 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale waana xiddiga ugu badan ee ku lug leh goolasha ugu badan premier League.


Ilkay Gundogan (Manchester City)

Xiddiga reer Germnay ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga Abaalmarinta marka loo eeo qab ciyaareedka cajiibka ee uu ku jiro.

Gundogan ayaa dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkan waxana uu sidoo kale dhaliyay goolasha ugu badan ilaa haatan sanaka 2021 isaga oo dhaliyay 10 gool.


Source: laacibfm.com

SHARE