Heshiis Dhacay: 95% Georginio Wijnaldum Oo Ku Biiray Kooxdiisa Cusub.

Heshiis Dhacay: 95% Georginio Wijnaldum Oo Ku Biiray Kooxdiisa Cusub.


Heshiiska ay kooxda Barcelona ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa in uu 95% dhamaystirmay sida aya sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Holland ayuu heshiiskiisa kooxda Liverpool dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa hatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Liverpool.

Georginio Wijnaldum ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Inter Milan laakiin xiddiga ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Barcelona si uu ula midoobo tababariihiisii hore ee Ronald Koeman.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in heshiiska ay Barcelona ku doonayso xiddiga 30 jirka ah 95% la dhamaystiray kaliyana hadhay in lagu dhawaaqi saxiixa xiddiga.

Tababare Koeman ayaa marar badan sheegay in uu doonayo in uu helo xiddiga khadka dhexe intii lagu jiray suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Wijnaldum ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Liverpool inkasta oo uu mustaqbalkiisu shaki ku jiro waxana uu xididgu ku bilowday 26 kulan oo premier League ah.


Source: laacibfm.com

SHARE