Hordhac: Man City Vs Borussia Monchengladbach: Hantiilayaasha Champion-ka Iyaga Ayaa Uga Gacan Sareeya Kooxda Jarmalka

Hordhac: Man City Vs Borussia Monchengladbach: Hantiilayaasha Champion-ka Iyaga Ayaa Uga Gacan Sareeya Kooxda Jarmalka


Man City ayaa kulan adag waxa ay ku marti gilinayaan kooxda

Borussia Monchengladbach oo ay lugtii hore soo garaaceen waxa ayna wada ciyaarayaan lugta labaad ee wareegga 16-ka Champion-ka


Kulanka: Man City Vs Borussia Monchengladbach


Tartantanka: Champions League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Etihad Staduim


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City lagama badin 5 kulan ay horay ula ciyaareen Borussia Monchengladbach iyadoo la joogo Champiom-ka , waxa ay badiyeen afar jeer halka midna galeen bar bar dhac , ugu yaraan halkii kulan laba gool ayay ku dhaliyeen .

Kulankii ugu dambeeyaay ee Borussia Monchengladbach ee garoonka City lagu soo ciyaaray ee  Champuon-ka waxa uu noqday kii adkaa dhanka guul daradda iyadoo banaanka garoonkeeda joogta waxaana waqtigaas lagu soo garaacay 4 gool oo nadiif ah

Ka dib markii ay guul dareysteen sedex kulan xariir ah iyadoo garoonkeeda la joogo waliba Champion-ka ah intii u dhaxeeysay March iyo September ee sanadkii 2018 , Man City waxa ay badiyeen 10 kulan oo qeyb ka ah 11 kukan oo champion-ka oo Etihad lagu ciyaaray kaliyana hal kulan aya galeen bar bar dhac .

Borussia Monchengladbach waligood kulan European Cup/Champions League oo kooxo Ingiriis garoonkooda kula  soo ciyaareen ma aysan badin , hal bar dhac iyo sedex guul darro ayay wataan

Tan iyo biloowgii xilli ciyaareedkii 2016/2017 , Raheem Sterling waxa uu ku dhaliyay Etihad 13 gool oo Champion-ka  ah ka dib 19 kulan oo uu tartankaas kala soo muuqday

Weeraryahnaka City ee Aguero waxa uu dhaliyay 19 gool ka dib 28 kulan oo champion-ka iyadoo uu joogo macalin Pep


Source: laacibfm.com

SHARE