Hordhac: Real Madrid Vs Atalanta: Los Blancos Oo Isha Ku Haysa In Ay Dhamaystirto Shaqadii Ay Bilowday Lugtii Hore.

Hordhac: Real Madrid Vs Atalanta: Los Blancos Oo Isha Ku Haysa In Ay Dhamaystirto Shaqadii Ay Bilowday Lugtii Hore.


Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Atalanta kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 16-ka champions league kulan ka dhici doona garoonka Alfredo Di Stéfano.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay dhamaystiraan shaqadii ay lugtii hore bilaabeen iskana xaadiriyaa wareega xiga kadib markii ay guul 1/0 ah ka soo gaadha Atalanta.

Dhanka kale kooxda Atalanta ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka inkaarsadaan Real Madrid waliba mariyaan meeshii ay Martay Barcelona kana reebaan tartaka.


Kulanka: Real Madrid Vs Atalanta


Tartanka: Champions League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Alfredo Di Stéfano


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa wareega 8 dhamaadka champions League iska xaadirisay 8 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega bug baxa marka ay lugta hore ee martida guul soo gaadhaan laakiin marka kaliya ee laga reebay ayaa ah xilli ciyaareedkii 2018/2019 markaas oo ay guuldaro 4/1 ah kala kulmeen kooxda jax kulankii lugta 2-aad.

Kulankan ayaa noqon doona markii 2-aad ee ay Atalanta tartamada yurub la kulantay kooxda Spain ah kooxdii hore ee ay la kulantay ayaa ahayd Valencia oo ay kula kulmeen isla wareegan xilli ciyaareedkii ore.

Real Madrid ayaa badisay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee hore ee ay la ciyaareen kooxaha reer Italya tartanka champions League iyaga oo dhaliyay ugu yaraan 2 gool 10 kulan oo ka mid ah halka kooxdii ugu dambaysay ee reer Italy ah ee Real Madrid ka joojisay gool dhalinta ayaa ah Juventus oo ka joojisay gool dhalinta.

Atalanta ayaa ku jirta guuleheeda ugu dheer ee kulamada martida ee champions League iyaga oo badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waliba dhaliyay 14 gool kulamadaas.


Source: laacibfm.com

SHARE