Liveprool Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay Ka Dib Markii Ay Soo Garaaceen Wolves .

Liveprool Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay Ka Dib Markii Ay Soo Garaaceen Wolves .


Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guusha waxa ayna guul adag ka soo gaareen kooxda Wolves oo ay marti u ahaayeen.


Sheekada labada qeyb:

Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Wolves hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid dhamaadkii ciyaarta waxaana dhaliyay Jota ka dib kubad uu ka shaqeeyay Sadio Mane , waxa uuna kulanka qeybtiisa hore ahaa mid u furnaa labada koox .

Marba koox ayaa in yar ku sareeysay maamulka kubadda waa ayna u furneyd xilli Liverpool ay dhibaato kala kulmeysay in ay kubadda ku sameeyaan kooxda ay marti u ahaayeen kuwaasi oo daafac ahaan isku xernaa .

Wolves iyo Liverpool ayaa ku guuleysanayay in kubadda horay isaga kala jaraan mana jiorin fursado badan oo ay isku abuureen  waxa ayna labada macalin dareensanayeen in ciyaarta adag tahay

Qeybta labaad , dar dar ayay ku bilaabeen xilli Liverpool fursad gool laga bad baadiyay halka Wolves ku dhiiranayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore ee kooxda Liverpool balse ma jirrin halis gilin muuqtaa .

Ciyaarta ahaa aheyd mid deg degsiimo leh mana jirin koox si gaar ah u maamuleysay kubadda marka laga yimaado in Wolves %53 qabtaan  xilli Wolves kubadaha rogaal celiska xariif ku ahaayeen waxaana  hor istaagayay goolhayaha Loverpool daqiiqadii 62-aad

Dagaallka ciyaarta ee labada koox waxa uu ka soo socday garbaha waxa uuna Klopp  badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 67-aad waxa uuna ku soo giliyay Keita iyo Milner oo loo saaray Alcantara iyo Wijnaldum , waxaana xusid mudan in marka hanaanka ciyaarta la eego labada koox gool ayaa laga filan karay.

Liverpool dhamaakdii waxa ay door bidayeen in ay maciin  bidaan kubadaha  dhaadheer maadaama daafaca Wolves uu adkaa inkastoo daqiiqadii 80-aad Salah laga bad baadiyay fursad xaqiiq ah , waxaana  kooxda Wolves kaliya ka maqnaa in sax ah kubadda u gaarsiiyaan goosha Liverpool  balse sida kale waa ay wacnaayeen .

Wolves kaliya waxaa ka maqnaa in kubadda si sax ula tacaamulaan marka afka hore Liverpool tagaan waxa ayna ka sheeganayeen in go`aano deg deg ah qaadanayeen waxaana Liverpool daqiiqadi 85-aad lagadiiday gool uu Salah uu dhaliyay sababo la xariira Offside, waxa uuna Klopp daqiiqadii 82-aad soo giliyay Chamberlain oo loo saaray Jota .

Liverpool  daqiiqadihii  geerida waxa ahaayeen halis   xilli Wolves daqiiqadii 90-aad dhaawac culus oo madaxa ah  uu ka gaaray goolhaye Rui Patrício taasi oo keentay in ciyaarta 12 daqiioq hakato waxaan ugu dambeyn lagu daray 7 daqiiqo .

Daqiiqadihii geerida  ee  waqtiga dheeriga labada koox isku dayo ayay sameynayeen xilli goolahayaha Liverpool uu ahaa mid foojigan oo  kubado halis ahaa ayuu  Wolves ka bad baadiyay , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Liverpool ugu soo laabatay wadada guusha..



Source: laacibfm.com

SHARE