Liverpool Oo Isku Diyaarinayso In Ay Iibiso 4 Xiddig Si Ay Dib U Dhis Ugu Samayso Kooxda

Liverpool Oo Isku Diyaarinayso In Ay Iibiso 4 Xiddig Si Ay Dib U Dhis Ugu Samayso Kooxda


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu iska iibiyo 4 xiddig si uu dib u dhis ugu sameeyo kooxdiisa ka hor bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Reds ayaan samayn saxiixyo badan sanadihii ugu dambeeyay iyadaoo sii haystay xiddigaha kooxda jooga ee ku guulaystay koobabka champions league iyo Europa League.

Laakiin xaalka ayaa ku xumaaday Liverpool xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawacyo badan oo ka soo gaadhay xiddigaha kooxda ugu muhiimsan.

Wargayska Sunday World ayaa sheegay in uu tababare Jurgen Klopp isku diyaarinayo in uu iibiyo 4 xiddig si uu u helo lacag uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha Joel Matip, Alex Oxlade-Chamberlain, Xherdan Shaqiri & Divock Origi ayaa ka mid ah xiddigaha ay kooxda Liverpool iska iibinayso xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE